Tix gaaban oo nabada ka waraya

 bwaan soomaaliyeed ayaa ka gabyay Nabada isagoona tilmaamay qiimaha ay Nabadu leedahay waxana uu yiri.


Inay nabadu guri hooyo tihiyo gogoshi kuu-tiilay.

Goobjoog nin kii shalay ahaa wuu garwaaq sadayee

Caqli gii guran baan ogayn guul inay tahayee


Waa goodan barwaaqoo rimaan gaawa loo sidayee

Kolna waa gabaad lagu nastiyo gama’a laseexdaayee

Kolna waa gasiin lagu qadiyo maalaan kaa gurinee

kolna waa gufaacada hartiyo golihi roobeed ee Kolna waa gu’ gii hooray iyo

geeda soo baxayee Kolna waa gamaan kaagi iyo geenya shaaximanee

Kolna hadaan gad lagu doorsadiyo nabad lagaaraynin

Gankaa soo kacay u sheeg iyo gabana daa moogee.

Comments

Popular Posts