Waa maxay nabad
Nabadu
waa saldhiga nolosha, waa iftiin,
aqoon, xushmad, naxariis,
farxad, horumar, sharaf, cibaado
iyo barwaaqo.Qiimaha ay nabadu
leedahey waxaa noo sii
iftiiminaya dhaqankeena
suubanaa; Tusaale, Nabad miyaa?
mala nabad baryey? reerku meel
nabad ah madegey?,,waxaa
kaloo qiimaha nabada na
xasuusinaya murti
dhaqameedkeena
ah,,Beni’aadamku gogoshiisa
waa nabad, nabad ayaa naas la
nuugo leh iyo kuwa kaloo fara
badan.
Walaalaheyga Soomaaliyedow
maxaan aragney muddan
dheer ee nabad la,aanta? ,
Waxaan aragney hogaamiyeyaal
kooxeedyo naxariis daran, geeri
badan,,kufsi lagu kacay
gabdhaheena oo la caadeystey,
dhaawacyo xad-dhaafey,
afduubyo, dalkeenii oo la
burburiyey iyo dadkeenii oo la
kala qaybiyey, qalinkiyoo la
tuurey, qoriga oo la barkadey,
jaamacado qabyaaladeed oo laga
aflaxey, murugo badan, majihii
oo madax isu rogey, goglihii
balaayadoo la fidiyey,
bartilmaameedsi iyo dilal
qorsheysan oo loo gaystey dadka
aqoonta leh oo bulshada
indhaha u ah, sida saxafiyiinta,
dadka ka shaqeeya nabada iyo
xuquuqda aadamiga, dadka ku
lugta leh safalka beniaadamka
ajnabi iyo soomaaliba,
culumaaudiin,odayaal dhaqan,
iyo waliba takhaatiir kuwaas oo
dhamaantood ama la diley
amaba dalka ka baxsadey,
caruurteenii oo la askareeyey
dagaaladana xabo looga
dhigey,intaas oo balaayaa iyo
kuwa kaloo badan oo xadgudub
ku ah sharafta iyo karaamadii
beni’aadamka ayaan usoo
joogney oo aan aragney,
maqalney amaba la kulaney.
Maxay yihiin waxyaalaha
sababa Nabad la’aanta? Waxaa
sababa Cadaalad la’aan,
qabyaalad, maamul xumo,
musuqmaasuq, jahli, dano
shaqsiyeed amaba mid kooxeed,
qorsho la’aan siyaasadeed iyo
faragelin shisheeye.
Maxaa nala gudboon
walaalaheyga Soomaliyeedow si
aan u xaqiijiyo ugana qayb
qaadano nabada iyo horumarka
wadankeena? Horta
masuuliyada koowaad ee dib
usoo celinta nabada waxay
saaran tahay shacabka
soomaaliyeed qaybihiisa kala
duwan, waxaana looga qayb
qaadan karaa marka hore ruux
walba oo muwaadin ah waa
inuu nabada ka soo bilaabo
Naftiisa ayna ka muuqdaan
astaamaha nabada,Tusaale qofka
dhawaqiisa waa inuu noqdaa
mid nabadeed,saantiisa sidoo
kale, uurkiisa la mid,aqoontiiisa
iyo qalinkiisa sidoo kale waa
inuu nabada ugu hiiliyaa, intaa
kadib waa inuu qoyskiisa la
wadaaga xoojinta nabada,kadib
bulshadiisa ugudbiyaa qiiimaha
ay nabada leedahey,,la abaabulaa
doodo iyo wacyigelino maadi ah
iyo kuwa diini ah oo looga
hadlayo qiimaha nabada iyo
wanaageedaba.waxaa kaloo in
hoosta laga xariiqo mudan in dib
u soo celinta nabada ay qayb
weyn ku leeyihiin suugaan
yahanada, fanaaniinta iyo
culumaaudiinka waxaana
muhiim ah in doorkooda
wacyigelineed uu si joogto ah u
socdo si uu u kaabo dib u soo
unkida Nabada Wadankeena.
Doorka dowlada ee dib usoo
celinta nabada Soomaaliya ayaa
ah abaabulida xubnaha firfircoon
ee bulshada, dhaqan celinta
dhalinyarada iyo u abuurida
xirfado shaqo oo ay ku
maareeyaan mustaqbalkooda,
horumarinta waxbarashada iyo
dib udhiska goobihii wax
barashada ee dalka, oogista iyo
xaqiijinta garsoor cadaalad ah,
horumarinta ciidamada amniga
qaasatan boliiska, qabashada
tartano isboorti, kuwa aqooneed,
kuwa dhaqan oo lagu
hormarinayo nabada.
Comments
Post a Comment