Skip to main content

Posts

Featured

Waa maxay nabad

  Nabadu waa saldhiga nolosha, waa iftiin, aqoon, xushmad, naxariis, farxad, horumar, sharaf, cibaado iyo barwaaqo.Qiimaha ay nabadu leedahey waxaa noo sii iftiiminaya dhaqankeena suubanaa; Tusaale, Nabad miyaa? mala nabad baryey? reerku meel nabad ah madegey?,,waxaa kaloo qiimaha nabada na xasuusinaya murti dhaqameedkeena ah,,Beni’aadamku gogoshiisa waa nabad, nabad ayaa naas la nuugo leh iyo kuwa kaloo fara badan. Walaalaheyga Soomaaliyedow maxaan aragney muddan dheer ee nabad la,aanta? , Waxaan aragney hogaamiyeyaal kooxeedyo naxariis daran, geeri badan,,kufsi lagu kacay gabdhaheena oo la caadeystey, dhaawacyo xad-dhaafey, afduubyo, dalkeenii oo la burburiyey iyo dadkeenii oo la kala qaybiyey, qalinkiyoo la tuurey, qoriga oo la barkadey, jaamacado qabyaaladeed oo laga aflaxey, murugo badan, majihii oo madax isu rogey, goglihii balaayadoo la fidiyey, bartilmaameedsi iyo dilal qorsheysan oo loo gaystey dadka aqoonta leh oo bulshada indhaha u ah, sida saxafiyiinta, dadka ka shaqeeya n

Latest Posts

Tix gaaban oo nabada ka waraya

Nabada waa tiirka koobaad ee aas-aaska noolasha ama xaalad xasiloon oo lagu wada noolaankaro,